867 Views

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Muqdisho & Dhuusamareeb

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Muqdisho & Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu kala doortay kuraas kamid ah golaha Shacabka ee kasoo kala jeeda Galmudug & Gobolada Waqooyi ee Soomaliland.
Hal kursi HOP272 oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa lagu doortay Magalada muqdisho, waxana ku tartamay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim & Cabdiqani Maxamed Maxamuud, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Khadra Axmed Ibraahim 25 cod & C/qani Maxamed Maxamuud 7 cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Guuleed Ceydaruus Cige.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho kana mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kamid ahaa musharrixiintii guul dareystay sanadkaan  doorashooyinka Golaha Wakiilada ee ka dhacay Somaliland, isaga oo ka sharaxnaa Gobolka Maroodi jeex.
Dhinaca kale waxaa Magalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada kursiga Hop104, waxaana ku tartamay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad & Shukri Cali Faarax, waxaana kursiga ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo helay 84 Cod halka Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.
Sidoo kale magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay doorashada kursiga HOP026 oo ay ku tartameen Yuusuf Geelle Ugaas & Cabdulqaadir Cabdullaahi, balse waxaa ku guuleystay Yuusuf Geelle Ugaas oo horay loogu doortay kursi Aqalka Sare balse isaga tegay,wuxuuna helay 82 Cod halka musharrixii la tartamayay ee Cabdulqaadir Cabdullaahi uu helay 4 Cod.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Markale Magaalooyinka muqdisho iyo Dhuusamareeb lagu qabto doortashooyinka golaha Shacabka gaar ahaan kuraasta ay horay u shaaciyeen guddiyada doorashooyinka Heer Federaal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post