1014 Views

Ciidamo Boolis & Nabadsugid oo la wareegay Xaruntii Baarlamaanka ee Villa Hargeysa

Ciidamo Boolis & Nabadsugid oo la wareegay Xaruntii Baarlamaanka ee Villa Hargeysa
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Waxaa guud ahaan xaruntii ay ku shiri jireen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya la wareegay Ciidamo iskugu jira Booliis iyo Nabadsugid oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo bartiisa twitter kusoo qoray hadalkaan ayaa sheegay in Taliyaha ciidanka Booliska iyo askar ka socota Villa Soomaaliya ay qabsadeen xaruntii Barlamanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa.

Xildhibaan Cabdirizaq ayaa talabadaan ku sheegey mid lagu horitaagayo doorashada gudoonka Barlamanada Federaalka Soomaaliya islamarkaana lagu cabsi galinayo howl-wadeenada iyo guddiyada diyaarinaya doorashooyinkaan.

Xiliga Ciidanka ay xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa tageen waxaa la sheegay inay ka socotay diyaar garow la xiriira doorashada beri ee guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse ciidanka ayaa ku amray xubnihii guddiga qaban qaabada ee shaqada waday inay banaanka ugu baxaan xarunta.

Tani ayaa imaaneysa, iyadoo Wasiirka Amniga gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur uu ku eedeeyay xalay Taliyaha Ciidanka Booliska taliye Xijaar inuu ishor istaag ku sameeyay dhaartii xildhibaanadii 16-ka ahayd ee laga doortey degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

sidoo kale, maalinta beri ayaa la filayaa inay qabsonto dooraahada Guddoomiyaha & ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad, balse waxaa la filan karaa inay dib ugu dhacdo wakhtigeedii loo qorsheeyay ee ahaa 27-ka bishaan April.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post