1518 Views

Akhriso:- Digniin Loo Diray Soomaalida Ku Nool Dalka Suudaan

Akhriso:- Digniin Loo Diray Soomaalida Ku Nool Dalka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 11, 2019 – War qoraal ah oo ka soobaxay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa fariin muhiim ah loogu diray Soomaalida.

War ka soobaxay Safaaradda ayaa lagu yiri iyada oo la tixgelinayo xaaladda adage ee ka taagan dalka Suudaan waxa ay ugu baaqaysaa safaaradda Jamhuuriyadda Somalia ee Khartuum in guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeraad ah isla markaana ay ka fogaadaan goobaha dadku iskugu imaanayaan,waxaana la faray in ay la soo xiriiraan safaaradda hadii ay xalad la soo gudboonaato.

Magaalada Khartuum ayaa maanta waxaa talada dalkaas lagu wareejiyay gole KMG waxaana magaalada ka dhacay mudaaharaadyo lagu dalbanayay in uu iscasilo madaxweynha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment