1461 Views

Dad Garsoor U Doontay Al-Shabaab Oo Muqdisho Lagu Xiray

Dad Garsoor U Doontay Al-Shabaab Oo Muqdisho Lagu Xiray
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo u dacwooday Al-Shabaab,kuwaasi oo decumenti been abuur ah ay wateen awgeed Maxkamada Gobolka iyo tan racfaanka ay go’aan uga gaareen.

“Afar Qof ayaa loo diray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay ka dibna racfaan soo qaatay,Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta,waxay soo saartay xeer ilaalintu in decumentigooda uu been abuur yahay, ka bacdi intey carareen ayay u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir.

Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo  ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin halka labada kale ay xiran yihiin ,kuwaas oo uu sheegay iney Al-Shabaab u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale.

Dhan kale,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray ka dib markii uu gacantiisa ku sameystay decument been abuur ah,islamarkaana uu isticmaalay.

Garsoorka dalka ayaa horay uga digay dadka Garsoorka u doonta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment