462 Views

Dad ku dhintay shil ka dhacay dalka Masar

Dad ku dhintay shil ka dhacay dalka Masar
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa geeriyootay, halka 18 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu rogmaday gaari bas ah oo siday rakaab Koofurta dalka Masar.

Gaariga Baska ayaa dad ka soo qaadayay gobolka Sohag isaga oo u waday magaalada Qaahira Qaahira, sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.

Gawaarida ambalaasta ayaa gaaray goobta waxayna dadkii dhaawaca ahaa u qaadeen isbitaalada ku yaala Minya oo Koofurta ka xiga magaalada Caasimada ee Qaahira.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan dalka Masar, taasi oo ay sabab u tahay taxar la’aanta darawlada oo xawaare ku kaxeeya Gawaarida iyo Waddooyinka oo burbursan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post