1134 Views

Suudaan oo cafis u fidisay laba hoggaamiye oo dil ku xukunna

Suudaan oo cafis u fidisay laba hoggaamiye oo dil ku xukunna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 10, 2019 —Ciidamada talada Suudaan haya ayaa cafis u fidiyey laba hoggaamiye oo horay dil looga xukumay iyaga oo dalka Suudaan Musaafuris kaga maqnaa.

 

Malik Agar, oo ah madaxa dhaqdhaqaaqa jabhadda xoreynta shacabka Suudaan ee waqooyiga dalkaasi ka dagaallata (SPLM-N), iyo ku xigeenkiisa Yaasir Arman oo ay dowladda Suudaan ku xukuntay 2014-kii.

 

 

 

Kacdoonnada dalka Suudaan ayaa September 2011-ka ka billaawday gobolka Blue Nile.

 

Madaxa golaha ku meel gaarka ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, ayaa xilka kala wareegay madaxweyne al-Bashiir bishi April.

 

Warbaahinta dowladda ayaa qaar ka mid ah magacyada dadka la cafiyey sheegtay iney ku jiraan hoggaamiyeyal kale oo mucaarad ah oo ay magacooda sheegin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment