741 Views

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo oo 2 Sano u Saxiixay Manchester United

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo oo 2 Sano u Saxiixay Manchester United
____________________________________________________________________________

Sabti: August 28, 2021

Laacibka Kubadda Cagta Cristinano Ronaldo ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Ingiriiskaa, waxaana heshiis la gaartay kooxdiisii hore ee Manchester United, iyadoo weeraryahankan caalamiga ah ee reer Portugal uu dib ugu noqonayo garoonka Old Trafford.

“Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in kooxdu ay heshiis la gaartay Juventus, si loogu wareejiyo Cristiano Ronaldo” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United oo intaas ku daray “Cristiano, oo shan jeer ku guuleystay cabal-marinta Ballon d’Or, wuxuu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob oo waaweyn intii uu ku jiray xirfadiisa, kuwaas oo ay ku jiraan shan horyaal oo Champions League ah, afar koob oo FIFA Club World Cup ah, toddoba horyaal oo England, Spain iyo Italy ah, iyo koobka qaramada qaaradda Yurub oo uu dalkiisa Portugal u qaaday.”

Manchester United ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in taageereyaasheedu ay ku farxeen soo noqoshada halyeygoodii hore, kaas oo u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexeysay 2003-2009.

Ronaldo ayaa khamiistii sheegay inusan dooneyn inuu la sii joogo kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga, waxaana durbadiiba soo baxay in Manchester City oo deris la ah Manchester United ay xiiseyneyso saxiixiisa, waloow ay markii dambe ay ka laabatay, taas oo uu fursad u siisay inuu ku laabto koodiisii hore.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post