1998 Views

Norway iyo Denmark oo iska kaashanaya maalgelinta shirkadaha ganacsiga ee Soomaalida

Norway iyo Denmark oo iska kaashanaya maalgelinta shirkadaha ganacsiga ee Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 – Hay’adda NORDIC ee hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norway iyo Hay’adda Dowladda Denmark ugu qaabilsan Horumarinta Maaliyadda ee IFU ayaa sheegay inay daaha ka rogeen Maalgelinta Fursadaha Malagashi ee Geeska Afrika.

Wejiga Koowada ee maal-gelintaasi waxaa lagu kharaj garayn doonaa 10 million oo Dollar. WaxaanaMashruucaasi si wadajir ah u fulin doona Hay’addaha NORDIC, IFU, NORFUND, SHURAAKO, One Earth Future, Hay’addaha Norway ee aan Dowliga ahayn (NGO)-yadda ee ka hawlgala Somalia iyo Shabkadda NORDIC iyo Qurbo-joogta Soomaalida.

Qalabka biilowga ee Maalgashigaasi waxa uu noqon doonaan mid waafaqsan Shareecadda Islaamka “Muraabaxa”, wuxuuna celceliska qiyaasta heshiisku noqon doonaa 250,000 oo Dollar.

Raasamaalka Lacagta waxaa loo wada gaarsiin doonaa dhamaan Goballadda Somalia iyadoola si imarsiinayo Shirkadaha kala duwan, balse ma aha kuwo xadidaya Shirkadaha Kalluumeysiga, Beeraha, Wershadaha Fudud, Isbitaalladda iyo Tmaarta.

Guddoomiyaha iyo Asaasaha Hay’adda One Eath Future, Marcel Arsenault waxa uu tilmaamay in Maalgashigaasi la kordhin doono isla waqtiga ay Maal-gashadayaal cusub ku soo biiraan, waxaana horey u jiray ballanqaadyo Maal-gashadayaasha Dhuumaha Biyaha (Pipelines), kuwaasi oo muujiyey inay Mashruucan ku soo biiri doonaan 3-da bilood ilaa 6-da bilood ee soo socda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Fulinta ee Hay’adad NORFUND, Kjell Roland waxa uu sheegay inay Hay’addiisa Maalgelin muhiim u tahay arrintaasi iyo Tusaalaha sida ay suurto-galka u tahay in Maalgashi Waara looga hirgelin karo qaar ka mid ah Dowladaha ugu taagta daran Caalamka.

Waxa uu tilmamaay inay rumeysan yihiin inuu Malagashigaasi kaalin ka qaadan doono soo-celinta Nidaamka Maaliyadda waarta ee Somalia.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment