1137 Views

Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo War-Saxaafadeed soo saarey

Odayaasha Dhaqanka Galmudug oo War-Saxaafadeed soo saarey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 27-2020—Odayaasha Saxiixayaasha Galudug ayaa kulan ay u yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galudug waxaa ay kasoo sareen War-Saxaafadeed ka kooan 7 Qodob oo ay uga hadlayeen xaalada Galudug iyo doorashooyinka.

 

War-Saxaafadeedka ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay uga dalbadeen inay taageerto Xildhibaannada Cusub ee Galmudug sidoo kalena aysan aqbalin cid kasta oo baal marta Dastuurka Galudug.

 

Guddoonka Baarlamaanka Galudug ayaa waxaa ay ugu baaqeen inasyan dib u dhigin xilliga loo asteeyey inay dhacdo doorashada maamulka Galmudug oo xiligaan uu khilaaf hareeyey.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay garab ku siiso habka dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug,sidoo kalena ay ugu baaqeen inay doorashada ka qeyb galaan musharixiinta Madaxweynaha Galudug.

 

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in la sameyn doono Guddi xog aruurin ah oo dhageysta cid walba oo wax ka tabaneysa sida loo wado dhismaha Galmudug.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo ka kooban Todobo qodob.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment