2238 Views

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga XFS oo Shir kaga qeyb galaya Turkiga

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga XFS oo Shir kaga qeyb galaya Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May, 02, 2018 – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono Shir u dhaxeeya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Xubno ka socda Ganacsatada Dowlad Gobaleedyada Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Wafdiga Wasiirka.

Shirkan oo looga hadli doono sidii loo maalgalin lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wax soosaarka dalka Soomaaliya waxaa shir guddoomin doona Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadli fursadaha maalgashi ee Soomaaliya kaga banaan Ganacsatada iyo sida Ganacsatada Turkiga u maalgashan karaan Soomaaliya si waxsoosarka dalka kor loogu qaado.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment