552 Views

M/Weeyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergo ka socota dowladda Uganda

M/Weeyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergo ka socota dowladda Uganda
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Uganda John Patrick Amama oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka dalka Uganda.

John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacay 9-ka Bishan aynu ku jirno ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal hambalyo ah iyo farriin ay ka sideen Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomay Salaanta iyo dhanbaalka uga yimid madaxweyne Yoweri Museveni isagoona Sidoo kale umahadceliyay John Patrick iyo Ergada dowladda Uganda ka socotay ee ka qeyb-gashay Caleemo-saarka madaxweynaha.

Ugu danbeyntii masuuliyiinta ayaa sidoo kale kawada hadlay adkeeynta amaanka iyo Sidii meel looga soo wada jeesan lahaa Dagaalamayasha Al-Shabaab, iyo sidii Ciidanka xoogga dalka loo siin lahaa tabobar tayeeysan si ay amanigga gacanta ugu dhigaan markii ay ATMIS isaga baxaan Soomaaliya.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post