4116 Views

Tababar Khartuum loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga

____________________________________________________________________________

iiiiii1

Muqdisho, 23 December 2015: Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga oo muddo sanad ah uga socday dalka suudaan ayaa lagu qabtay Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Saraakiisha Tababarka loo soo xiray ayaa ka kala socday Dowlado badan, iyadoo munasabaddas ay ka qayb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidana, Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan. iyo Marti Sharaf kale.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed  oo Munaasabadda ka hadlay ayaa Dowladda Suudaan uga mahad celiyay Doorka ay ku leeyihiin Dhismaha Ciidamada Xoogga dalka.

Dhanka kale Bandhig Dhaqameed ay soo bandhigeen Dowladihii Ciidamadooda loo Tababaray oo ay ka mid ahaayeen Soomaaliya, Masar, Urdo, Jaad iyo Kuwait ayaa bandhiggaas waxaa   kaalinta koowaad ka soo gashay Soomaaliya.Madaxweynaha Dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shahaado Guddoonsiiyay safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya taas oo lagu dhiirri galinayay doorka firfircoon ee saraakiisha Ciidamada Xoogga ay ku lahaayeen mudadii uu Tababarkaas  usocday

Ugu dambayntii saraakiisha Ciidamada Xoogga ee Tababarka qaatay ayaa sheegay in muddadii Sanadka ahayd  ay waxbadan ka faa’iideen tababarkii la siiyay.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment