1356 Views

SAWIRO:-Xarunta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la diyaariyay

SAWIRO:-Xarunta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la diyaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 10, 2019 —Sida uu horay u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa dhawaan waxaa la filayaa in uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyada oo la diyaariyay xaruntii lagu qaban lahaa.

 

In kastoo dadka reer Galmudug qaar ay diidan yihiin in shirkaasi Dhuusamareeb lagu qabto ayaa hadana waxaa Xarunta loogu talo galay shirka booqday Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax wehliye.

 

Waxaan kormeeray xarunta Shiirkole oo ah goobta loo diyaariyey in lagu qabto shirka Dib-U-Hshiisiinta bulshada reer Galmudug ee ka furmi doona Dhuusamareeb. Waxaa ka socda diyaar garow balaaran oo dhinacyo badan leh,Maamulka Galmudug iyo ganacsatadii diyaarisay waxaan leeyahay waajib qaran ayaad gudateen ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Faarax wehliye.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment