912 Views

Wasiir fiqi “ Cadaalad Darada Dowlada waa mida keentay in safafka dhaadheer loo galo maxkamadaha Al-shabaab

Wasiir fiqi “ Cadaalad Darada Dowlada waa mida keentay in  safafka dhaadheer loo galo maxkamadaha Al-shabaab
____________________________________________________________________________

April 7-4-2021

Xili mudooyinkii la soo dhaafaym  eedayn dhinaca cadaalad darada loo jeedinayay maxkamadaha Dalka ka jira, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Waxaa eedaas ka hadlay Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi,  ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka

“ Cadaalad darada Dowlada Dowlada ee shabaab loo raadsado Maxkamada waxaa ka mid ah Mida uu Sameeyay farmaajo oo ah in adeerkiis Janan uu Yiri Danbi maleh”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed loo cadaalad doontay Al-Shabaab.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post