2361 Views

Waa sidee xiriirka ganacsi ee Al-Shabaab iyo AMISOM ?

Waa sidee xiriirka ganacsi ee Al-Shabaab iyo AMISOM ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8  November 2017 – Wargeyska The East African ayaa qoraya in uu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka mid ah Ciidamada AMISOM, Dowladda Soomaaliya iyo Dadweynaha rayidka ah ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay meelaha qaar wada shaqeeyaan.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay marka gaadiidka waaweyn ee wada badeecadaha ganacsiga ay lacago baad ah ka qaadayaan labada dhinacba.

Waxaa uu sheegayaa in Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay baro koontarool oo isu muuqda ku leeyihiin Gobollada qaar ee Soomaaliya islamarkaana marka Gaari Xamuul ah uu mid ka mid ah labada dhinac koontroolkiisa tago laga qaado lacag dhan $50 Doollar, iyada oo dhinaca 1aad marka uu lacagta qaato uu rasaas hawada u ridayo, isaga oo u baaqaya dhinaca kale una sheegaya lacagta laga qaaday Gaariga ku soo wajahan.

Marka uu Gaariga tago dhinicii kale ayaa isla lacagtii la weydiinayaa iyada oo marka lacagtaas $50 ah laga qaado uu dhinacaas rasaas hawada u ridayo si uu dhinicii kale ugu xaqiijiyo in uu lacagtii ka qaaday.

Sanadkii Hore Ciidamo ka socda Dalka Uganda ayaa la qabtay iyaga oo Ganacsi ka sameynaya Hubka iyo Shidaalka AMISOM,kana iibinaya Ganacsato iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Degaanka Jannaale oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa 2015-kii waxaa weerar ku ekeeyay Xarakada Al-shabaab,waxaana ku dhintay Askar tiro badan,xilligaas Hubka Al-shabaab ay ku weerareen Xeradaas waxaa ay dowladda Uganda xaqiijisay inAskar ka mid ah Uganda ee degganaa Jannaale ay AL-shabaab Hub ka iibiyeen.

Askartii loo xiray waxaa ka mid ahaa nin sidii Ciidamada Uganda ay u garaaacayeen xaniyaha beelay islamarkaan dib loogu celiyay Uganda isaga oo aan nolol iyo geeri midna heysan.

Qareen uu qabsaday ayaa ku guul darreystay in uu kiiska ninkaas qiil u helo, waxaan Maxkamadda ay ku xukuntay dil kaddib markii uu jebiyay xeerarka Ciidanka Dalka Uganda.

.

.

Isha: The East African.

http://www.theeastafrican.co.ke/oped/comment/Negotiating-with-Al-Shabaab/434750-4176420-wxyni6/index.html

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment