1092 Views

Meydka Gudoomiye Yariisow oo Muqdisho la keenaayo

Meydka Gudoomiye Yariisow oo Muqdisho la keenaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 03,, 2019 —Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Safiirka dowladda Qatar ee Dooxa ayaa lagu waddaa in meydka Gudoomiyaha in ay kasoo qaadaan Magaalada Dooxa.

 

Waxaa sidoo kale ka mid ah xubno ka mid qoyskiisa oo dhawaan ka yimid dalka Ingariiska sababo la xariiray dhaawaciisa.

 

Madaxda ugu Sareysa dalka oo ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu Waddaa in ay ka qeyb galaan Aaska Marxum Yariisow.

 

Gudoomiye Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment