276 Views

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Safiirka Cusub ee Imaaraadka?

Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Safiirka Cusub ee Imaaraadka?
____________________________________________________________________________

Muqdisho|Qol| 20-11}2022Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay danjiraah cusub, isaga oo sheegay inay dowladda Soomaaliya si wanaagsan ula Shaqeyn doonto.

Xafiiska Qaranimo | Moqdisho

————————————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post