1125 Views

SAWIRO:-Safiirka Mareykanka oo la kulmay laba ka mid ah musharixiinta Galmudug

SAWIRO:-Safiirka Mareykanka oo la kulmay laba ka mid ah musharixiinta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay laba kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Kamaal Guutaale oo kamid ah madaxda Xisbiga Wadajir.

 

Qoraal lagu baahiyey barta twitter-ka ee safaarada Mareykanka uu ku leeyahay muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka ay uga wada hadleen baahida loo qabo in si hufan oo cad ay u dhacdo doorashada Galmudug.

 

 

 

“Hay’ado dowladeed oo adag oo adkeysi badan waxaa ay wax ka qaban karaan dhibaatooyinka bani’aadanimo,kana adkaan karaan Argagaxisada & abuuritaanka nabad, xasilooni & barwaaqo ayaa lagu yiri” Qoraalka Safaaradda.

 

Kulanka Maanta dhex-maray Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota iyo musharixiinta Galmudug ee Odawaa iyo Kamaal guutaale ayaa waxa ay kusoo aadayaa xilli ay walaac ka qabaan hanaanka doorashada Galmudug.

 

Sidoo kale Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa shalay waxaa uu Magaalada muqdisho kulan kula qaatay Madaxda Madasha xisbiyada Qaran,isaga oo kala hadlay sida ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada soo socota ee Soomaaliya.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment