756 Views

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee Guddigii doorashada

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo  si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee Guddigii doorashada
____________________________________________________________________________

June 11 2021

Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee ay ku badeleen kuwii hore loogu soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransana.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay afar xubnood.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagna soo bedelay xubnihii lagu celiyay, kuwaasi oo ah labo xubnood oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.

Labada madaxweyne ayaa xubnaha cusub u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo isagu gacanta ku haya howlaha doorashada, oo kal hore uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.

Hoos ka aqriso magacyada ay soo gudbiyeen labada maamul

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post