819 Views

R/W Rooble Iyo Saraakisha Galmudug Oo Shir Deg-Deg Ka Yeeshay Xaasuuqii daraad

R/W Rooble Iyo Saraakisha Galmudug Oo Shir Deg-Deg Ka Yeeshay Xaasuuqii daraad
____________________________________________________________________________

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirrada amniga dowladda Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa ka hadlay arrimihii shirka looga hadlay oo ay ugu horeyso xoojinta Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa ciidamada Qaranka uga tacsiyadeeyay saraakiishii shalay ku shahiiday qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo Ummadda Soomaaliyeed tacsi u diray, Allena uga baryay in uu janadii fardowza ka waraabiyo.

“Nimanka falkaas geystay waa niman Diinta qaloociyay, dalka dumiyay, oo dadka naga laayay, dadkaasina waa laga guuleysan doonaa gabaabsi ayayna marayaan, howshooda waa gabaabsi, waana laga guuleysan doonaa” ayuu yiri Xasan Xundubey Jimcaale.

Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa waxaa maalin kahor ka dhacay qarax Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isal markaana halkaas ay ku geeriyoodeen Saraakiil Ciidan iyo dadweyne badan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post