1104 Views

Gabadh nafta aabeheed ku badbaadisay xubin muhiim ah oo jirkeeda ka mid ah

Gabadh nafta aabeheed ku badbaadisay xubin muhiim ah oo jirkeeda ka mid ah
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Kausar, oo ah gabadh 21 sano jir ah, waxna ka barata jaamacad ku taala magaalada Larkana, Sindh, ayaa qayb ka mid ah beerkeeda ugu deeqday aabaheed, Gawar Khan.

Qalliinka ayaa ka dhacay Machadka Pir Abdul Qadir Shah Jilani ee Culuumta Caafimaadka, halkaas oo ay Kausar aabaheed ugu deeqday qayb ka mid ah beerkeeda, waa bukaankii ugu horreeyay ee ku nool dalka Pakistan oo qaba cudurka AIDS-ka ee lagu talaalo beer qof kale.

Gawar Khan, oo 45 sano jir ah ayaa ka mid ah beeraleyda Larkana, waraysi uu siisay BBC waxa uu ku yiri. “Waxay u badan tahay inaanan noolaan lahayn maanta haddii aan beerka gabadhayda heli lahayn,”

Waxa uu sheegay in isbitaalka kasta oo uu tago loo sheegay in lagu tallaali waayay beerka sababa la xiriira cudurka Aids-ka ee uu la noolaa.

“Marka aan waydiiyo waxa dhici kara haddii beerka gabadhayda la igu talaalo iima jawaabaan,” ayuu yiri.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post