972 Views

SAWIRO:-Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo shir uga furmay Baydhabo

SAWIRO:-Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed oo shir uga furmay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 14, 2020—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Baydhabo Maanta ka furey Shir looga hadlayo Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Maamulada Hir-Shabelele iyo Koonfur Galbeed.

 

Shirkaan oo ay Goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub,waxaana diirada lagu saarayaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

 

 

 

Madaxweyne laftagareen ayaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha wafdiga Midowga Yurub uga mahad celiyey doorka weyn oo ay ku leeyihiin shirkaan,isaga oo sheegay in la xoojin doono wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka ee labada maamul.

 

Mid kamid ah Safiirada Midowga Yurub ee shirka ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin inay dowlad Goboleedyada ka caawiyaan wixii ku saabsan arrimaha Amniga iyo horumarka.

 

Shirkaan oo socon doona muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in geb-gabada laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga hadley ee dhinaca horumarka iyo iskaashiga ka hortegida fatahaada Wabiga Shabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment