699 Views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub oo xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub oo xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09, Agoosto, 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiiru dowlaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiiru dowlihii hore Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa xilka kala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Waaxda Bii’adu ay hoos tagaysay.

________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu

________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post