927 Views

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi oo ku wajahan Mareykanka

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland  Muuse Biixi oo ku wajahan Mareykanka
____________________________________________________________________________

 


Sabti: March 12, 2022

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta la filayaa in uu safar ku tago dalka Mareykanka.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada Ganacsato iyo kuwa ka socda Ururada Bulshada Rayidka.

Lama oga ujeedka Socdaalka Wafdiga Madaxweyne Biixi, balse warar ayaa sheegaya in marti qaad uu ka helay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Mareykanka kuwaas oo uu halkaa kulamo kale duwan kula soo qaadan doono.

Madaxweynaha Somaaliland iyo Wafdigiisa ayaa galinka dambe ee maanta lagu wadaa in ay ka ambabaxaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, inkastoo ujeedka safarkiisa si rasmi ah aan la shaacin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post