327 Views

Madaxweynaha la doortay ee Kenya oo maanta la caleemo saarayo

Madaxweynaha la doortay ee Kenya oo maanta la caleemo saarayo
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Maanta ayaa lagu wadaa in la caleemo saaro Madaxweynaha cusub la doortay ee Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Munaasabadda madaxweyne William Ruto lagu dhaarinayo oo ka dhaceysa magaalada Nairobi waxaa la filayaa iney ka soo qayb galeen in ka badan 20 madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika iyo caalamka.

Guddiga dhaarinta madaxweynaha u xilsaaran waxay sheegeen goobta ay ka dhaceyso dhaarinta madaxweynaha ay diyaar tahay.

Madaxweynaha la doortay ee Kenya william Ruto wuxuu maalinti shalay ahayd uu madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta xilli doorashada looga adkaaday ninkii uu taageerayay oo ahaa Raila Odinga.

In ka badan 60,000 qof ayaa ka qeybgaleysaa xafladda caleemo saarka madaxweynaha la doortay oo ka dhaceysay garoonka Kasarani Sports Centre ee Nairobi.

Waxaana kamid ah madaxda ka qeybgaleysa munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post