1089 Views

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka warsheekh ee Sh.dhexe

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka warsheekh ee Sh.dhexe
____________________________________________________________________________

Sabti: July 30 2021

Wararka ka imaanaya HirShabelle ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen deegaanka Filla-Dheere oo hoostaga magaalada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka,  isla-markaana si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa sidoo kale magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdullahi Maxamed Axmed (Jeego), sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale Wararka ayaa intaas waxay  kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falka dilka ah, kadib dhacdadaasi.

Dilkan ka dhacay agagaarka Warsheekh ayaa lagu soo warramayaa inuu salka ku hayo dilal xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi lagu dilay dadka rayidka ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post