477 Views

Guddoonka Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta la dooran doono

Guddoonka Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta la dooran doono
____________________________________________________________________________

 
Sabti: January 15, 2022

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu waddaa in ay magaalada Muqdisho ay ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Ciro.

Loolan xoogan oo kuwajahan Doorashada gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa xalay ka socotay Muqdisho.

Labada dhinac ee is haysa waa Farmaajo iyo Rooble, oo ay koox kasta doonayso in ay jagadan qof dhankeeda kasocdaa ku guuleysto.

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in si rasmi ah loo doorto gudoomiyaha guddiga si loo sii waddo doorashada heer Federaal oo ah mid dhaaftay xilligii loogu tala galay.

Waxaa sidoo kale socda olole la doonaayo in xilka looga qaado gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Federaal xilli aysan dooran guddoon xubnaha cusub ee guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post