765 Views

Qof la dilay oo Meydkiisa saaka lagu arkay degmo ka mid ah Muqdisho

Qof la dilay oo Meydkiisa saaka lagu arkay degmo ka mid ah Muqdisho
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 03, |  2020
—Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Salaama ayaa waxa ay sheegayaan in saaka dadka degaanka ay kusoo kaceen qof meyd ah oo lasoo dhiagay xalay laamiga Salaam.

Qofka la dilay oo ahaa qof rag ah ayaa wali la aqoonsan, waxaana la wareegay Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Dilkiisa ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in loo adeegsaday Baankado ka dibna la dul saaray oo siddaasi ay uga tageen kooxihii dilay.

Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta, waxaana ay xireen wadooyinka soo gala goobta Meydka lasoo dhigay, sidoo kalena waxa ay sameeyeen baaritaano.

Goobta qofkaan meydkiisa lasoo dhigay ayaa ka agdhow goobtii khamiistii uu ka dhacay Qaraxa ismiidaamin ah ee lagu dilay taliye ka tirsanaa Ciidanka NISA.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post