255 Views

Dagaal beeleed toddobaadkan ka dhacay Sudan oo ay ku dhinteen 150 qof

Dagaal beeleed toddobaadkan ka dhacay Sudan oo ay ku dhinteen 150 qof
____________________________________________________________________________

 Isniin: OCTOBER 24, 2022

 Goobjoogayaal ku sugan gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegay in in ka badan 150 qof in lagu dilay toddobaadkan dagaallo beeleed oo ka dhashay muran la xidhiidha dhinaca dhulka.

Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Axmed al-Omda Badi ayaa ku dhawaaqay in deegaanka Wed al-Mahi lagu soo rogay Bandow habeenkii ah, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaal beeleedka u dhexeeya qabiilada Hausa iyo Berti.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, iska horimaadadan oo toddobaadkan inna dhaafay ayay ku dhinteen in ka badan 150 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, iyada oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo kale.

Abdulatti Ahmed oo ka mida dadka ku nool magaalada al-Damazine oo la hadlay VOA Jimcihii ayaa sheegay in dagaalku uu xilligaas socday maalintii saddexaad, isagoo ka warbixiyey inay jiraan qoysas badan oo ku barakacay oo isugu jira haween iyo caruur.

Abdulatti ayaa sheegay, in wararka ka imanaya deegaanka Wed Al Maaxi inay tilmaamayaan in guryo la gubay, hantidana la kala dhacayo, wuxuuna xaaladda ku tilmaamay inay tahay mid aad looga naxo.

Wuxuu sheegay in dhimashadu ay ka badan tahay illaa 160 qof, halka ay jiraan dhaawacyo aan tiradooda la sheegin.

VOA si madax bannaan uma ay xaqiijinin tirada khasaaraha.

Dagaal beeleedyadan ayaa bilaabmay bishii July, ka dib markii ay isku qabsadeen deegaan ama dhul.

Dawladda dhexe ee Sudan ayaa ciidamo u dirtay deegaanka ay ka dhaceen dagaal beeleedadu, si ay u xakamayso xaaladda isla markaana u kala dhex gasho labada beelood ee dagaalamaya.

Eddi Rowe oo ah madaxa gargaarka bini aadanimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Sudan, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ka soo cusboonaatay Blue Nile iyo West Kordofan, wuxuuna ku baaqay in dagaallada la soo afjaro.

Qoraal uu soo saaray Rowe ayuu ku sheegay in illaa 1,200 oo qof inay ku barakaceen, halka ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 170 iyo 327 qof oo dhaawac ah.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post