729 Views

Soomaliland oo gacanta ku dhigtay Markab Kalluumeysi

Soomaliland oo gacanta ku dhigtay Markab Kalluumeysi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021–Ciidamada ilaalada Xeebaha Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay howlgal ay sameeyeen ay ku qabteen Markab Kalluumeysi oo ay sheegeen in uu si sharci darro ah u kalluumeysanayay.

Markabkan oo lagu Magacaabo NISRINE 11 ayaa waxaa laga qabtay agagaarka saldhiga labaad ee xeebta Seylac, waxaana uu siday Kalluun farabadan iyo waxyaabo kale oo badda laga soo bixiyay.

Saraakiisha Ciidamada Badda Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo adeegsanaya doonyaha dheereeya , kuna soconaya hagaha Raadaalka ay ku guuleysteen qabashada markabka.

Saraakiisha ma sheegin dalka laga leeyahay Markabka oo ay saarnaayeen tiro kalluumeysato Ajaanib ah, hayeshee ay sheegeen inay baaris ku sameyn doonaan dalka laga leeyahay.

19-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan 2021 ayay aheyd markii Ciidamada Soomaliland ay Xeebaha Gobolka ay Somaliland ula baxday Salel, ka qabteen Markab Kalluumeyso oo ay saarnaayeen ku dhawaad 15 Kalluumeysato Ajaanib ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post