783 Views

Ciidamada Booliska oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho

Ciidamada Booliska oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Talaado: November 30, 2021

Hawlgalkaan oo ahaa mid lagula dagaalamayay Burcada hubeysan iyo kooxaha falalka ka dhanka ah amaanka ka geysta Muqdisho ayaa waxaa Ciidamada Booliska Soomaaliya & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo uu horkacayay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Cabdullaahi Xasan, waxaana howlgalka ay Ciidamada kusoo qab qabteen dhalinyaro farabadan, kuwaas oo leysugu geeyay hal goob walow badankood la siidaayay.

Taliyaha Booliska degmada Hodan Cabdullaahi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday dhalinyarada howlgalka lagu qabtay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga iyo ka hortegida kuwa falalka amni darro geysta.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la xaqiijiyo amniga degmada si aan loogu arkin kuwa dadka dila ama taleefoonada xilliyada habeenkii Shacabka ka dhaca.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ay si joogto ah waxaa ay howlagallo uga fulinayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, balse ilaa iyo hadda aan la soo bandhigin dad ama hub lagu soo qabtay

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post