795 Views

Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo kulamo ka bilaabay kismaayo

Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo kulamo ka bilaabay kismaayo
____________________________________________________________________________

Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo ayaa maanta  gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Garbahaareey.
Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa magaalada Kismaayo u tegay si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.

Guddiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland  Maxamuud Sayid Aaden.
Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.
Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa uuna warbixin qoto dheer ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland ugashay dadaal dheer sidii xal waara loogu heli lahayd arrimaha ka taagan Gobolka Gedo, iyo sida ay waxbadan uga tanaasushay si dalku u galo doorasho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post