363 Views

Accord University oo shahaada sharaf guddoonsiiyay saxafiyiin caan ah

Accord University  oo shahaada sharaf guddoonsiiyay saxafiyiin caan ah
____________________________________________________________________________

Arbaco, 28 December [QARANINO ONLINE] Aqoon isweydaarsi hal maalin ka soconayay dalka Holland, ayna ka soo qeygbagaleen dad ka kala socday qeybaha bulshada, ayaa lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf dadkii ka soo qeybgalay.


Aqoon isweydaarsiga oo ay soo qabanqaabisay [Accord University] waxaa looga hadlayay faa’iidada waxbarashada, waxaanna la isku weydaarsaday baahida xilligan loo qabo waxbarashada & sida bulshadu loogu baraarujin karo waxbarashada.


“Waxbarashadu, waxay dadeysaa qofka, qofku hadduu lebiska ugu qurxoon xirto ee uusan aqoon laheyn, noloshiisu wax macno ma sameyneyso. Qofku si uu bini’aadam wanaagsan u noqdo 3 waa inuu helo waa shardi, inuu barto cilmiga diiniga ah, inuu barto kan maadiga ah & inuu helo khibrad nolosha ah” Ayuu yiri Shariif Cabdalla oo ka mid ahaa dadkii aqoon isweydaarsigaasi ka qeybgalay, isaga oo intaasi ku daray in si ay fursad u helaan dadka danyarta ah loo baahan yahay in la helo waxbarasho lacag la’aan ah.


“Waxbarashadii maanta waxay noqotay ganacsi, waxaa wax baran kara caruurta ay waalidiintoodu lacag badan haystaan, qoysaska danyarta ah caruurtoodu wax ma baran karaan, haddii la doonayo in dalkani mustaqbalkiisu hagaago ha la helo iskuulo lacag la’aan ah” Ayeey tiri Faadumo Isaaq oo ka mid ah hormuudka Jaaliyada Soomaalida Holland.
Aqoon isweydaarsigaasi dadkii ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa saxafiyiinta kala ah C/llaahi Taajiroow & Fowsi oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post