1503 Views

Haweeney Soomaali Oo Ku Eedeysan Gudniinka FGM-Ka Oo La Xukumay

Haweeney Soomaali Oo Ku Eedeysan Gudniinka FGM-Ka Oo La Xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 21, 2019 –Haweeneydaasi oo deggan Gobalka Queenland ee dalkaasi ayaa la soo taagay Maxkamadda ku taalla caasimadda Gobalkaasi ee Brisbane, waxaana oo lagu soo eedeeyey inay 2 gabdhood oo ay dhashay u kaxaysay Somalia, kuna soo samaysay Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka oo mamnuuc ah dalkaasi

Haweeneydaasi oo 45 jir ah waxaa lagu helay inay gabdhaheeda oo 10-jir iyo 13-jir kala ahaa ay Somalia u dhoofisay bishii April ee sannadkii 2015-kii, si loogu soo gudo.

Garsooraha Maxkamadda Brisbane, Leanne Clare waxay ku tilmaamtay dhaawacaasi inuu yahay tacadi ka dhan ah carruurta, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Haweeneyda Soomaalida waxaa lagu xukumay Xabsi 4-sanno, waana Xukunkii ugu horreeyey oo ay Maxkamadda Gobalka Queensland ee dalka Australia ku xukunto shaqsi lagu soo eedeeyey Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka.

Dhinaca kale, Haweeneydaasi oo la sheegay inay la xanuusan tahay Cuddurka Kansarka iyo dhabar-xanuun ayaa la sheegay in 8 bilood kadib la hakin doono muddada lagu xukumay, iyadoo Carruurteeda  la sheegay inuu daryeeli doono Aabahooda, inta ay Hooyadooda xabsiga ku jirto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment