1146 Views

Dowladda Britain oo shaacisay tirada dadka laga tallaalay COVID-19

Dowladda Britain oo shaacisay tirada dadka laga tallaalay COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Britain waxaa la sheegayaa in ay  dhowdahay  inay gaarto hadafkii ay tiigsanay bartamaha bishan Febraayo,  kaasi oo ah in xanuunka COVID 19,  laga tallaalo 15 milyan oo ka mid ah kooxaha u nugul ee ku hawlan ka hortaga fayraska Corona, taasi oo horseedi karto yareynta faafitaanka xanuunkan.

In ka badan 13.5 milyan oo qof ayaa la tallaalay tan iyo markii barnaamijka tallaalka ugu weyn taariikhda UK laga bilaabay horraantii  bishii Diseembar ee sanadkii tagay, celcelis ahaan 431,323 qof ayaa helayay maalin kasta intii uu socday Tallaalkan.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa balan qaaday inuu talaalayo dhamaan dadka ku taxan afarta qaybood ee mudnaanta leh, oo ay ku jiraan dadka  ay da’dooda ay ka weyntahay 70-ka sano, dadka degan guryaha daryeelka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha muhiimka ah.

Dhanka kale, Xukuumadda Welsh, oo si madaxbanaan u wadata siyaasadeeda caafimaadka, ayaa sheegtay inay ku guuleysan doonto hadafkeeda ah talaalka afarta koox ee mudnaanta la siinayo.

Tirooyinku waxay muujiyeen in qiyaastii 22% dadweynaha Wales ay heleen tallaal, marka la barbardhigo dadka England tallaalkan helay 20.3%, sidokale reer Scotland ayaa dhankooda helay 19.2%,  halka dadka  Waqooyiga Ireland ku nool ay Tallaalkan ka heleen 18.7%.

Johnson  wuxuu ballan-qaaday inuu dib-u-eegi doono dhammaan xogta khuseysa  Tallaalkan, ka hor inta uusan sameynin  waddada ay dowladdiisa ku wajaheysa xanuunkan bilaha soo socda.

“Waxaan horumarin doonaa qaab kale oo loo wajahayo yareynta  faafitaanka xanuunkan,  taas oo ay ku jiri doonto qorshayaal dib u furida Iskuulada.” Sidaas waxaa warbaahinta usheegay Af hayeen u hadlay Boris Johnson.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post