315 Views

Turkig oo joojiyey booqasha uu wasiirka gaashaandhigga Sweden uu ku iman lahaa Ankara

Turkig oo   joojiyey booqasha uu wasiirka gaashaandhigga Sweden uu ku iman lahaa Ankara
____________________________________________________________________________

.

Axad: January 22, 202

Turkiga ayaa joojiyey booqasha uu wasiirka gaashaandhigga Sweden uu ku iman lahaa Ankara.

Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga.

Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga.

Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan.

Wasiirada Turkiga iyo Sweden ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto Gaashaan buurta NATO.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post