945 Views

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay 17 Xubnood ee Golaha degaanka Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay 17 Xubnood ee Golaha degaanka Hargeysa
____________________________________________________________________________

v Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan dardaaran iyo duco ah la qaatay 17-ka xubnood ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee ay maanta iska dhex doorteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenku, ayaa qaabilay xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa  oo doortay Maayar iyo ku-xigeen, waxa uu si guud u  hambalyeeyey mudaneyaasha cusub ee goleyaasha deegaanka dalka loo doortay, isaga oo si gaar ah u carrabaabay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda Hargeysa ee loo doortay,

“Dhammaanba goleyaasha deegaanka ee soo baxay waan hambalyeynayaa, kuwa caasimaddana maaddaama oo aad ii dhawdihiin waan idin hambalyeynayaa, maayarka iyo ku-xigeenka la doortayna waan hambalyeynayaa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi waxa uu si mug leh ula dardaarmay mudaneyaasha cusub ee caasimadda, waxana uu ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara, waxana uu yiri.

“Sidaa aad u wada socotaan ee quruxda badan oo qalbiga ah baa la idinka rabaa, 17-kiinnaas baa xilkii caasimadda Hargeysa la saaray, dadku way idiin codeeyeen, way idiin soo daaleen, rejo badan bayna idinka qabaan, Ilaahay waxan ka baryayaa inay rejadaasi rumowdo oo idiin dhib yaraato, dardaarankayguna waxa weeye xilkaa idin fuulay waxaad ku gaari kartaan guul idinkoo u shaqeeya hab dawladeed, hab midaysan iyo hab xafiis oo aad u wada dhan tihiin, khilaafkiinnuna ha ahaado meelaha doodaha dhexdiinna ah iyo shirarkiinna oo aan dibadda u bixin.”

Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, xoghayaha gobolka iyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa madaxweynaha kulankan ku wehelinayey.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post