1203 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo U Ambabaxay Mareykanka Iyo Ujeedka Oo La Shaaciyay

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo U Ambabaxay Mareykanka Iyo Ujeedka Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka amababaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqisho,iyagoo kusii jeeda Dalka Mareykanka.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socdo ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxa ay kaga qeyb geli doonaan shirka sanad laha ah oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Deyn Cafiska Soomaaliya,waxaana kasoo qeyb galaya Madax caalami ah oo ka socota dalal Yurub ku yaalla iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.

Sidioo kale Ra’iisul Wasaare XasanCali Kheyre ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa Shirka sanad laha ah ee ka lagu wado in Bishaan gudaheeda uu dhaco Magaalada Washington ee dalka Mareykanka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment