1275 Views

Ra’isul Wasaare Rooble oo caawa kulan xasaasi ah kula leh Villa Somaliya siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Ra’isul Wasaare Rooble oo caawa kulan xasaasi ah kula  leh Villa Somaliya siyaasiga    C/raxmaan C/shakuur.
____________________________________________________________________________


Axad: August 8 2021

Waxaa goor dhawayd furmay shir albaabada u xiran oo u dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo  hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur warsame

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu ka socdo Villa Somalia, uuna yahay mid albaabada u xiran.

Sidoo kale Kulankan ayaa ku soo aadaya xili xiisad iyo khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble kaasoo salka ku hayo wareegto xalay ka soo baxday xafiiska Farmaajo oo Rooble uu ku gacan seyray.

Kala soco bogan wixii ku soo kordha kulankaas .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post