1026 Views

Argagixisada Al-Shabaab oo qarax miino ku dishay afar qof oo shacab ah

Argagixisada Al-Shabaab oo qarax miino ku dishay afar qof oo shacab ah
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in argagixisada Al-Shabaab ay qarax Miino ku dishay afar qof oo shacab ah.

Qaraxa ayaa haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen afar qof oo rayid ah, xilli ay marayeen duleedka deegaanka Xaanshooley oo hoos taga magaalada Jowhar.

Dadka deegaanka waxay noo sheegeen in dadka dhintay oo dhammaantood rag ahaa ay ka ganacsa jireen hilibka Geela, isla markaana aad looga yaqaanay deegaanka.

Argagixisada ayaa si aan kala sooc laheyn waxay u beegsaneysaa dadka Soomaaliyeed shacab iyo masuul-ba, waxayna si dhuumaaleysi ah ugu aasaan miinooyinka, hadafkooduna waa inay dhibaateeyaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post