669 Views

Taalibaan oo lagu eedeeyey iney beegsadaan Beesha Hazaar ee laga tirada badan yahay

Taalibaan oo lagu eedeeyey iney beegsadaan Beesha Hazaar ee laga tirada badan yahay
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa lagu ogaaday Taalibaaniyiinta- Afghaanistaan iney guriyahaooda ka saarayaan boqollaal qof, oo ka soo jeeda beesha laga tirada badan yahay ee Hazaara.

Waxaana baaritaankaasi lagu ogaaday ilaa iyo horraantii bsihii hore in ka badan 1,200 oo qoys oo ku noolaa Gobolka Daikundi oo ku yaalla bartamaha dalkaasi in guriyahooda laga saaray.

Taalibaaniyiintu dhankooda waxay ku doodayaan dadkaasi iney guriyaha laga saarat sharci darro ku dagganaayeen, halka dadka deegankana ay sheegayaan iney dadkaasi haystaan caddeymo sharci ah.

Tallaabbadan ay taalibaaniyiintu bulshada Hazara guriyahooda uga saarayaan waxay sababtay iney hoy la’aan noqdaan afar kun oo qof.

Barakicintan ayaa noqotay mid sii xoojisay cabsida laga qabo iney Taalibaaniyiintu markale dhibaateeyaan dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada Hazaara, sida hreyba u dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post