1395 Views

Dowladda Shiinaha oo ka mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi

Dowladda Shiinaha oo ka mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi
____________________________________________________________________________

Jimco 12/2/2021

Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi, waxaa sidaasi shaacisya hay’adda u qaabilsan dhanka telefishinada iyo idaacadaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa cambaareysay BBC qaabkii ay u tabisay wararka la xiriira feyriska Corona iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs.

Madaxda BBC ayaa dhankooda sheegay in go’aankaasi uu yahay mid”laga xumaado”.

Arrintan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii waaxda dowladda Britain u qaabilsan xadeynta warbaahinta ee loo soo gaabiyo Ofcom ay shatigii ay uga howlgalayeen UK kala noqodtay Telefishinka Shiinaha ee (CGTN).

Waaxda Ofcom ayaa gaartay go’aankaasi horraantii bishan ka dib markii ay ogaatay in shatiga Telefishinka CGTN uu si qaldan gacantooda ugu jiro shirkadda Star China Media Ltd.

Waxaa sidoo kale CGTN lagu helay inay sanadkii la soo dhaafay jabiyeen xeerka warbaahinta ee dalka Britain, ka dib marka sida la sheegay ay baahiyeen in iyada oo lagu qasbayoah uu qirto dambi Peter Humphrey oo ah muwaadin u dhashay UK.

Go’aanka dowladda Shiinaha ay dalkeeda kaga mamnuucday BBC, waxaa hay’adda maamusha Idaacadaha iyo Teleshinada ee Shiinaha ay sheegtay in BBC lagu helay “ku tumasho shuruucda warbaahinta” taasi oo ay ka mid tahay “in warku noqdo mid run ah oo xaq ku dhisan, balse uusan noqon mid dhaawacaya danaha Shiinaha”.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in aan la aqbali doonin codsiga BBC ee ah in dalkaasi ay ka howlgasho hal sano oo kale.

Bayaan ay BBC soo saartay ayaa lagu yiri ‘aad ayaan uga xunahaya in xukuumadda Shiinaha ay qaadato go’aankaasi.

BBC ayaa ahaa mid aad loogu kalsoon yahay wararka ay tebiso guud ahaan caalamka, waxayna wax u tebisaa si xaq ah oo dhexdhexaad ah oo aanan dhinac-na u xaglinayn.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post