957 Views

Ukraine oo war kasoo saartay ‘khasaaraha gaaray’ ciidamada Ruushka

Ukraine oo war kasoo saartay ‘khasaaraha gaaray’ ciidamada Ruushka
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxaana ugu muhiimsan qodobada soo socda:

  • Waxaan burburinay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.
  • Waxaana gacanta ku dhignay tiro kamid ah duuliyeyaasha Ruushka.
  • Militeriga Ukraine waxay difaacayaan magaalada dekedda leh ee Mariupol.
  • Waxaan Ruushka ka qabsanay qalab badan.
  • Ciidamada Ruushka waxaa niyad jab ku riday sida awood leh ay isaga caabinayaan ciidamada Ukraine.

BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkan kasoo baxay Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post