1830 Views

Sawiro:- Guddoomiye Mursal ”Baydhabo Kama Tagayo Ilaa Aan Ka Heshiisiiyo Shacabka Iyo Maamulka KGS

Sawiro:- Guddoomiye Mursal ”Baydhabo Kama Tagayo Ilaa Aan Ka Heshiisiiyo Shacabka Iyo Maamulka KGS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta ka Jeediyay Masaajidka Madaxtooyadda Koonfur-galbeed Khudbad dhinacyo Badan taabanaysay oo ku Saabsan Arimaha Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa Ku dheeraaday ka hadalka Xaaladahii isbed-bedelka ahaa oo ay Soo mareen shacabka KG isaga oo soo hadal qaaday Doorashadii Ka Dhacday Koonfur galbeed

” Runtii Waxaan Wada Ognahay in wax waliba ay yihiin Wax Alle agtiisa ka qoran Cabdicasiisna Maalinkii uu Caloosha Hooyadii galay ayaa loo qoray In uu Madaxweyne ka noqdo Maamulka KG Soomaaliya waxaana waajib ku ah Shacabka inay taageeraan oo ay Garab istaagaan ,

“Aniga iyo Wafdiga aan Hogaaminaayo Waxaan Joogi Doonnaa Magaaladaan Baydhabo 2-ilaa 3-maalmood waxaan Sameen Doonaa in aaan Dib u heshiisiin u sameyno dadka Walaalaha ah Ee Khilaafaadka Yar Yar dhex maray Waxaan idinka codsanaynaa In aad Arimahaas Nabadeenta iyo dib u heshiisiinta ah Nagu Garab siisaan

Gabagabadda Qudbadda ayaa waxaa uu Gudomiyaha kula dardaarmay Shacabkii Jamaacada ahaa ee Masjidka Ku sugnaa in Xilli waliba ay ahaadaan kuwa Ixtiraama Shacabkooda si hormarkooda looga Shaqeeyo,

Waxaan leeyahay shacabka la shaqeeya Hogaankiina Cusub Ee KG ku Garab istaaga xaalad waliba oo uu Ku shaqeynayo Maamulka Curdunka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment