774 Views

Kulan uu ka qeyb galay Wasiirka amniga iyo Agaasimaha Guud ee HSJ Col Maxamed Aadan Koofi oo ka dhacay Muqdisho Sawiro

Kulan uu ka qeyb galay Wasiirka amniga iyo Agaasimaha Guud ee HSJ Col Maxamed Aadan Koofi oo ka dhacay Muqdisho Sawiro
____________________________________________________________________________

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md Xasan Xundubeey Jimcaale, ayaa shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee HSJ oo ka dhacey xarunta dhexe ee hay’adda ee M/Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col Maxamed Aadan Koofi ayaa ugu horeyn warbixin kooban ka siiyey wasiirka waxqabadka Hey’adda, caqabadaha iyo qorsheyaasha hay’adda, wuxuuna sidoo kale wasiirku mid mid u dhageysay warbixinada Agaasime Xigeenada, Madaxda Waaxaha, Madaxda Laamaha iyo xaafiisyada ka qeybgaley shirka.

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md Xasan Xundubeey oo hadalka qaatey ayaa sharaxaad ka bixiyey siyaasadaha sugidda amniga, Socdaalka, iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda, isagoo tibaaxay in ay ka go’an tahey dowladda hormarinta adeegyada amniga iyo kuwa bulshada.

Wasiirka ayaa dhanka kale bogaadiyey waxqabadka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) isaga oo ku ammaaney madaxda iyo howlwadeenada hay’adda dadaalka ay ugu jiraan sidii loo hormarin lahaa adeegyada socdaalka iyo bixinta baasaboorka. Wasiirka ayaa balanqaadey in uu ku dadaali doono wax ka qabashada caqabadaha heysta hay’adda.

Ugu danbeyn, wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md Xundubeey ayaa kula dardaarmey madaxda hay’adda ee ka qeybgaley shirka ilaalinta shuruucda iyo siyaasadaha dowladda ee ku aadan socdaalka iyo baasaboorka.

HSJ-MOGADISHU

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post