903 Views

Madaxweynaha Galmudug oo safar deg deg ah uga baxaya Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo safar deg deg ah uga baxaya Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 27 2020–Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Galmudug in uu ku tago Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar dhinaca dhulka ah uga ambabixi doona Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Xubno ka tirsa labada Gole ee Maamulka Galmudug iyo Saraakiil Ciidan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Cadaado, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweyne Qoor Qoor,isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ku saabsan Galmudug.

Warar kale oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu Cadaado uga sii gudbi doono Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,halkaas oo ay ka socaan Shirar looga hadlayo xaalada Amniga ee Gobolka Mudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment