483 Views

Dab khasaare geeystay oo ka kacay qeeyba ka mid ah dalalka yurub

Dab khasaare geeystay oo ka kacay qeeyba ka mid ah dalalka yurub
____________________________________________________________________________

Axad: July 17, 2022

Kumanaan dab-damis ah ayaa la tacaalaya dabka ka socda dalalka Portugal,Spain iyo Koonfur-galbeed ee Faransiiska, iyadoo  wali aay sii socdaan mowjadaha holaca is qabsaday ee wali sii xawaara ah kusii socda,,

Waqooyiga Portugal, waxaa ku dhinty 1 duuliye diyaradeed kadib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay deegaanka Foz Coa, oo u dhow xadka Spain.

Dhinaca kale dab xooggan ayaa ka kacay degaano ka tirsan gobolka Gironde ee dalka Faransiiska, halkaasoo in ka badan 12,000 oo qof laga daad gureeyay.

Koonfurta Spain, meel u dhow Costa del Sol, ilaa 2,300 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan dab ka kacayay buuraha Mijas.

Yurub waxaa ka jura cimilada kuleeylkii ugu darnaa abid ee Soomara, waxaana laga baqdin qabaa in uu dalal horleh saameyn ku yeesho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post