1800 Views

Shariif Xasan Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Maamulkaasi

Shariif Xasan Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi iyo weliba Xeer ilaaliyaha guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare loogu magacaabay Axmed Cali Muuse, kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare Sheekh Axmed Cabdulaahi XUseen oo hore xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale wareegtadan xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulkaasi Koonfur Galbeed, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan, islamarkaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahan yihiin bulshada ku dhaqan degaanada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment