4143 Views

Adam Ducaale Oo Xilka Qaadis Wajahaya

Adam Ducaale Oo Xilka Qaadis Wajahaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2017—Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa wajahaya xilka qaadis kaddib markii uu muran ka dhashay hanaanka  doorashooyinka Guddiyada Baarlamaanka Dalka Kenya.

Xubnaha Xibsiga Jubilee ee Adam ka tirsanyahay kulana jira Baarlamaanka Kenya ayaa cabasho ka keenay sida Adam u maareeyay doorashooyinka Guddiyada oo la qabtay.

Adam waxaa lagu eedeynayaa in sidoo kale xubno ka tirsan Xisbiga Jubilee oo doorashada Guddiyada looga adkaaday uu ka dhigay Guddoomiyayaal,halka kuwo doorashada ku guuleystayna uu ka reebay.

Afar Guddi oo loo tartamay ayaa Adam lagu eedeynayaa in kuwa aan ku guuleystay oo Xibsiga Jubilee ka tirsan uga dhigay Guddoomiyayaal halka kuwoo badiyayna uu meesha ka saaray.

 

Waxaa loo tartamayay Guddiyada degaanka,Beeraha,daryeelka Bulshada iyo Guddiga shaqaalaha,waxaana Adam lagu eedeynayaa in dhamaan xubnihii Jubilee ee doorashada looga adkaaday uu guddoonka ka dhigay,taas oo walaac ku abuurtay Xisbiyada kale iyo Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Kenya.

Xildhibaannada ayaa hadda sheegaya in ay doonayaan in ay cod u qaadaan joogitaanka Adam Barre Ducaale ee hoggaanka aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment