4599 Views

Xulista Ergooyinka iyo habka loo qaybsanayo oo ka socota Jowhar

Xulista Ergooyinka iyo habka loo qaybsanayo oo ka socota Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 January, 2016: Shir looga arinsanayo soo xulista Ergooyinka ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo sida beelaha wax u qeybsanayaan, ayaa ka socda magaalada Jowhar, iyadoo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa ay shalay gaareen magaaladaas.

Kulamadan oo ahaa kuwo saacado qaatay ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay jadwalka uu ku soconayo howlaha maamul u sameynta labada gobol, waxaana qorshuhu yahay in ka hor inta aan bishan dhamaan ergooyinka ay dhameystiraan qorshe howleedka maamul u sameynta labadaa Gobol.

Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la guda galay, iyadoo la xareyn doono ergooyinka ka qeyb galeysa shirka, kuwaasoo howshooda tahay ansixinta dastuurka uu maamulkaas yeelanayo iyo shuruucdii kale ee maamulka labada gobol.

Warar ka imaanayo Jowhar, ayaa sheegaya in kulan xalay dhex maray xubnaha saxiixayaasha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo u badan Wasiiro ay ka arinsadeen qaabka loo soo xulayo ergooyinka iyo sida beelaha u qeybsanayaan, iyadoo aanay wali kulamadaas wax natiijo ah an laga gaarin.

Inkastoo aan la soo bandhigin tirada ergooyinka ka qeyb galeysa shirka, hadana waxaa jira doodo ku aadan arrintan oo ku saabsan sida beelaha u qeybsanayaan, tirada guud ee labada gobol ku soo aadi doonto.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah saxiixayaasha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in la guda galay wajigii labaad ee shirka, isla markaana la xareyn doono ergada shirka ka qeyb galeysa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo howsha wada ayaa maanta la filayaa inay soo bandhigto tirada ergooyinka ka qeyb galeysa, qaabka beelaha u qeybsanayaan iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xareeyo.

Tan iyo markii Shirka uu furay Madaxweynaha 12-kii bishan ayaa waxaa socday kulamo lagu dar dar gelinayay howlaha maamul u sameynta labada gobol, iyadoo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar, welina ay jiraan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment